:: Welcome --- Simba | News in Somali

50,000 qoys oo ku barakacay dagaalada Muqdisho: wasaaradda arrimaha bini'aadanimada dowladda KMG
Posted on: Axad, 26 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho

War ka soo baxay wasaaradda arrimaha bini'aadanimada iyo dib u dejinta ee dowladda KMG ayaa lagu sheegay in ay ku barakaceen konton kun qoys dagaalada ka taagan caasimadda dalka, magaalada Muqdisho.

Warrika arrimaha bini'aadanimada dowladda KMG Maxamuud Ibraahim Garweyne ayaa ku baaqan gurmad deg-deg ah oo lala gaaro dadkaasi fara badan ee barakacayaasha ah.

Wasiirka ayaa warbaahinta wuxuu u sheegay in deeq teendhooyin ah ay wasaaraddiisu gaarsiisay qaar ka mid ah xerooyinka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha.

Deeqdan oo ka timid hay'ad lagu magacaabo Khadaafi - dalka Libya - ayaa waxaa uu sheegay in wasaaraddiisa loo soo marsiiyay si loo gaarsiiyo dadka u baahan ee barakacayaasha ah.

Waxaa walaac xoogan laga muujinayaa xaaladda ay ku sugan yihiin dadka ku barakacay dagaalada weli taagan, iyadoo barakaca isaguna uu yahay mid aan hakanin.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani