Maamulka degmada Buurhakaba oo wada qorshe lagu xaqiijinayo in ammaanka guud ee degmadaasi
Posted on: Sabti, 25 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho
Maamulka Islaamiga ee degmada Buurhakaba ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu xaqiijinayo guud ahaanba ammaanka degmadaasi.
Shalay ayaa gudaha degmada Buurhakaba ee gobolka Bay waxaa laga fuliyay xukun lala beegsaday dad ku eedeysan falal dambiyeedyo kala duwan, waxaana jira in eedeysanayaal kale ay xabsiga ku jiraan.
Taliye ku xigeenka maamulka C/raxmaan Macalin Xusseen ayaa sheegay hadal uu ka jeediyay goob fagaaro ah halkaasii xukunka lagu fuliyay, in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo soo taagayo eedeysanayaasha kale.
Talaabooyinkan oo ah kuwo wax looga qabanayo ammaanka ayuu sheegay in aysan hakad geli doonin oo ay socon doonaan.
Dadweynaha deegaanka ayaa u arka talaabooyinkan kuwo wax badan ku soo kordhin kara xasilooniida, waxaana ay ku soo aadayaan xilli mudooyinkii la soo dhaafay ay jireen cabashooyin la xiriira dhibaatooyin xasilooni darro.
|