Howgal ammaanka ah oo laga bilaabay inta u dhaxeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Jowhar
Posted on: Sabti, 25 July 2009 2009 - Simba, Jalalaqsi
Ciidamada maamulka Islaamiga ee degmada Jalalaqsi ayaa howlgal la xiriira ammaanka ka bilaabay wadada xiriirisa gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.
Howlgalkan ayaa yimid ka dib markii falal amni darro ah laga soo sheegay wadadaasi, iyadoo ciidamada ay halkaasi isku dhiririyeen.
Waxaana durbadiiba soo dhoweeyay wadayaasha gaadiidka ka shaqeeya inta u dhaxeysa degmooyinka Jalalaqsi iyo Jowhar.
Mas'uul u hadlay maamulka degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in la sii ambaqaadayo howl galada ilaa xal laga gaaro dhibaatooyinka xasilooni darro.
|