Cutubyo ka tirsan milatariga Itoobiya oo ku waabariistay degmada Balambal ee gobolka Galguduud
Posted on: Sabti, 25 July 2009 2009 - Simba, Balambal
Cutubyo ka tirsan milatariga Itoobiya oo ayaa ku waabariistay degmada Balambal ee gobolka Galguduud halkaasoo ay soo gaareen goor dambe oo shalay ah.
Weli ma kala cada ujeedada ciidamadan Itoobiyaanka ay u soo galeen degmada Balambal, mana jirto cid ka hadashay qorshahooda.
Dadka deegaanka ayaa cabsi iyo walwal ka muujinaya imaanshaha ciidamada Itoobiya gudaha degmada Balambal ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Dhowaanahan ayaa ciidamada Itoobiya waxaa ay ku soo noqnoqonayaa qaar ka mid ah gobolada dalka, waxaana soo kordhaya cabsida la xiriirta waxyaabaha muuqda ee ka dhalan kara dhaq dhaqaaqyada ciidamada Itoobiya.
|