:: Welcome --- Simba | News in Somali

Shir looga hadlayo dhibaatooyinka soo gaara saxaafadda Soomaaliya ka furmay Nairobi
Posted on: Khamiis, 23 July 2009 2009 - Simba, Nairobo

Shir weyne ay ka qeyb galayaan mas'uuliyiin kala duwan ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya kaasoo looga hadlayo dhibaatooyinka soo gaara saxaafadda Soomaaliya.

Shirkan uu ka furmay hotel ku yaala Nairobi ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya wariyeyaal ka yimid caalamka iyo weliba madax ka tirsan dowladda KMG iyo Kenya.

M/weyne ku xigeenka dowladda Kenya ayaa hadal uu ka jeediyay shirka waxaa uu ku baqay in la joojiyo tacadiyada ka dhanka ah saxaafadda Soomaaliya.

Waxaa uu hadalkiisa dhinaca kale ku dhaliilay saxaafadda Soomaaliya oo uu tilmaamay in aysan inta badan ka shaqeynaynin arrimaha nabadda oo aysan muujinaynin in ay ka madax banaan yihiin marxaladda uu dalku marayo, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sanadihii ugu dambeeyay ayaa saxaafadda Soomaaliya waxaa ay la kulantan welina ay wajahaysaa dhibaatooyin si muuqata u saameeyay howsha saxaafadda iyo wariyeyaasha ka shaqeynaya.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani