Kulan la xiriira xaaladaha nololeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho duleedkeeda
Posted on: Khamiis, 23 July 2009 2009 - Simba, Muqdisho
Kulan ay isugu yimaadeen waxgarad ka socda qeybaha bulshada ayaa maanta lagu qabtay deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho.
Kulankan ayaa waxaa laga soo saaray baaq ay u dhan yihiin xubnihii ka qeyb qaatay iyagoo codsaday in gacan laga geesto dhibaatooyinka nolosha ee ka taagan halkaasi.
Baaqan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo laga baqdin qabo in biyo la'aan ay soo wajahaan dadka barakacayaasha ee haatan ku nool magaalada duleedkeeda.
Waxaa baaqan uu sidoo kale imaanayaa xilli barakacayaal hor leh ay ku sii qulqulayaan deegaanada loo barakacay.
|