Qarax weerar ah oo lala beegsaday ciidanka ammaanka ee magaalada Boosaaso
Posted on: Khamiis, 23 July 2009 2009 - Simba, Boosaaso
Bam gacmeed waxyeelo badan geestay ayaa habeenkii xalay lagu weeraray ciidamo uu hogaaminayay taliyahooda gudaha magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.
Ilaa toban qof oo dhamaantood rayid ah kuwaasoo ka agdhowaa halka weerarka uu ka dhacay ayaa dhaawacyo kala duwna ka gaaray qaraxan.
Taliye ku xigeenka ciidanka boolis ayaa weerarka ku eedeeyay dad uu sheegay in ay dhan ka yihiin ammaanka magaalada Boosaaso.
Saaka ayaa gudaha Boosaaso waxaa ka furmay kulan la xiriira ammaanka si loo xaqiijiyo, waxaana saraakiisha maamulka ay ku dhawaaqeen talaabo ka dhan ah weerarka bambaano.
|