:: Welcome --- Simba | News in Somali

Odayaasha iyo Waxgaradka magaalada Baladweyn oo ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda halkaasi ka taagan
Posted on: Arbaco, 22 July 2009 2009 - Simba, B/weyn

Ka dib kulan ay maanta ku yeesheen odayaasha iyo waxgaradka gudaha magaalada Baladweyn ayaa waxaa ay ka soo saareen baaq ku aadan xiisadda ka taagan halkaasi.

Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa ka dalbaday dhinacyada hubaysan ee ku wada sugan magaalada B/weyn in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo qaboojin lahaa xiisadahaasi.

Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waayahan waxaa ka taagan xiisad kac sanaan ah iyadoo dhinacyada hubaysan ay warbaahinta isku marinayaan hadalo hanjabaadyo ah.

Xubnaha maanta kulanka yeeshay ayaa waxaa ay walaac ka muujiyeen xiisadahaasi oo keeni kara gacan ka hadal hadii aan haddaba laga hortagin.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani