Xaalado nolo xumo oo soo food saartay qoysaska barakacaya ku jooga duleedka magaalada Muqdisho
Posted on: Isniin, 16 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Dad barakcayaal oo cabanaya |
|
Deegaanada ku yaala dhabaha xiriiriya magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, ayaa dadka ku nool deegaanadaasi waxaa ay ka cabanayanaan dhibaatooyin soo wajahay ay ugu horeeyaan biyo la'aan iyo nafaqo darro, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.
Dadkan ka cabanaya dhibaatooyinka nolol xumo ayaa waxaa ay yihiin qoysas ka barakacay magaalada Muqdisho kalkii ay dagaalada xoogan ka socdeen sanadihii u dambeeyey.
Dhibanayaashan qaarkood uu u waramayey wariyaha idaacadda Simba, ayaa waxaa ay sheegeen in biyaha ay u doontaan deegaano fog, taasoo ay xuseen in dhibaato xoogan ku qabaan.
Qoysaskan barakacayaasha ayaa codsanaya si loola tacaalo xaaladooda nololeed in loo fidiyo gurmad bini'aadanimo oo deg deg ah.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa deegaanadan waxaa ka socday dibadbaxyo lagu muujiyey dhibaatooyinka soo food saaray qoysaska barakacayaasha ee ku dayacan daafaha magaalada Muqdisho.
|