Maxkamadaha Islaamiga oo kala dhex galay beelo ku dagaalamay koonfur galbeed mag. Balad weyn
Posted on: Axad, 15 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Dagaal beeleed ayaa ka dhacay tuulada Raangaabo |
|
Tuulada Raangaabo oo koonfur galbeed u jirta magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa la soo sheegayaa in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyey maleeshiyo beeleed, iyadoo arrintaasi ay ku baxeen ciidamada Maxkamadaha ee gobolka Hiiraan.
Xaaladda deegaanka oo saaka ah mid xasiloon ka dib markii dagaalka uu dhacay saacadihii u dambeeyey, kaasoo aan la ogeyn cidda wax ku noqotay, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.
Ciidamada Maxkamadaha ayaa ku guuleystay in ay kala dhex galaan labada dhinac, waxayna soo qabqabteen qaar ka mid ah dad lagu eedeynayo in ay qeyb ka ahaayeen dagaalka.
Taliyaha ciidamada Maxkamadaha, ayaa sheegay in talaabo ka qaadi doonaan dad lagu xiray saldhigga ciidamada ee magaalada Balad weyn, kuwaasoo laga soo qabqabtay buu yiri deegaanka dagaalka uu ka dhacay.
Dhanka kale, waxaa soo hagaagaya xaaladda guud ee magaalada Balad weyn ee xarunta gobolka, oo maalmihii u dambeeyey la dareemayey in ay ka jireen falal abuuri kara xasilooni darro.
|