M/weyne Shariif oo ka codsaday dowladda Uganda in ay wax ka qabato dhibaatooyinka heysta Soomaalida
Posted on: Axad, 15 March 2009 - Simba, Kampala
 |
| M/weyne Shariif ayaa ka codsaday dowladda Uganda in ay xaliso dhibaatooyinka Soomaalida ku heysta dalkeeda |
|
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Uganda, ayaa ugu baaqay dowladda wadankaasi in ay wax ka qabaato dhibaatooyinka dadka Soomaalida ku hesato gudaha wadankaasi.
Baaqan ayuu jeediyey xilli uu la kulmayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda oo uu kala hadlayey marxaladda cusub dalka Soomaaliya uu lugta la galay.
M/weyne Shariif ayaa muujiyey baahida loo qabo in la sii ambaqaado hanaanka nabadda si ay u sahlanaato in ay dib ugu soo laabtaan dalka dadkii ku barakacay dagaaladii u dambeeyey, kaasoo dad badna ku waayeen noloshooda iyo deegaanadooda.
Soomaalida ku dhaqan wadanka Uganda ayaa si weyn waxay u soo dhoweeyeen Madaxweynah Shariif Sheekh Axmed oo booqasho ku jooga magaalada Kampala, halkaasoo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo ka cararay dagaaladii ahliga ee ka soconayey gudaha dalka.
Madaxweyne Shariif ayaa inta uu ku guda jiro booqashadiisa, waxaa uu la kulmay dhigiisa dalka Uganda taasoo uu kala hadlay taageerada dowladda Uganda u fidineyso dowladda Soomaaliyeed ee KMG ah.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa in safar uu ku tago dalka Ruwanda, isagoo socdaalo uu ku soo bixiyey dalal badan oo dhaca bariga qaaraddan Afrika, oo badankood ay ku nool yihiin qaxooti Soomaaliyeed.
|