Taliska ciidanka booliska DKMG oo soo saaray amar ka dhan ah hubka sharci darrada gudaha Muqdisho
Posted on: Axad, 15 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Afhayeenka booliska dowladda KMG ayaa soo bandhigay amar lagu mamnuucay hubka sharci darrada |
|
Maanta ayaa wareegto uu soo saaray taliska ciidanka booliska dowladda KMG, waxaa lagu mamnuucay qaadashada hubka sharci darraada gudaha magaalada Muqdisho, taasoo la sheegay in talaabo adag laga qaadi doono ciddii ku xad gudubta qodobkan.
Afhayeenka taliska booliska, C/llaahi Xasan Bariise oo saxaafadda u akhrinayey wareegtada, ayaa waxaa uu sheegay in ay xabsiga u taxaabi doonaan isla markaana baaritaan iyo daba gal lagu sameyn doono askar ama cid walba oo lagu arko hub iyadoo la dhex mareysa magaalada.
"Waxaynu hadal kaliya kuma koobna, meelo badan ayaana wax ka qabanay" ayuu yiri Mr. Bariise "...maanta wixii ka dambeeya, ciddii lagu arko hub waa la qabanayaa, baaris ayaa lagu sameynayaa dambiga uu galay ayaana lagu qaadayaa."
Amarkan lagu mamnuucay qaadashada hubka sharci darrada ee gudaha Muqdisho, ayaa Mr. Bariise waxaa uu sheegay in uu daba joogo hadal uu shalay jeediyey R/wasaare Cumar C/rashiid Sharma'arke kaasoo ku qotomay wax ka qabashada dhibaatooyinka xasilooni darro.
Afhayeenka booliska dowladda KMG, C/llaahi Xasan Bariise ayaa ku baaqay in laga waantoobo loona hogaansamo amarkan lagu mamnuucay qaadashada hubka sharci darrada, taasoo uu xusay in talaabo sharciyeed la kulmi doonto ciddi ku xad gudubta.
|