R/wasaaraha xukuumadda KMG oo sheegay in wax laga qabanayo dhibaatooyinka xasilooni darro
Posted on: Axad, 15 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| R/wasaare Sharma'arke oo ka hadlay dadaalada nabadda |
|
Iyadoo ay socdaan dadaalo la xiriira wax ka qabashada ammaanka iyo xasilooni darrada ka jirtay caasimadda, ayaa maalmihii u dambeeyey waxaa soo baxayey falal caqabado ku noqon kara dadaaladaasi iyo isku dayga la doonayo in lagu soo afjaro xasilooni darrada mudada dheer soo taagneyd.
R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa xusay xukuumaddiisa in ay ahmiyadda koobaad siineyso wax ka qabashada dhibaatooyinka dhanka ammaanka, isagoona ku celiyey in la'isku dhafi doono ciidamada dowladda iyo Maxkadaha, taasoo qeyb ka noqon doonta buu yiri daddaalada dhanka xasiloonida.
Warkan, ayaa waxaa uu ku soo aaday xilli maalmahan laga dareemay dhibaatooyin ay ka mid yihiin dhac iyo baarasho qeybo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.
R/wasaare Sharma'arke ayaa waxaa uu sheegay in aan loo dul qaadan doonin isla markaana talaabo sharciyeed laga qaadi doono cid walba oo ku lug yeelata dib u soo cusbooneysiinta dhibaatooyinka xasilooni darro, gudaha magaalada Muqdisho.
Waa markii ugu horeysay oo R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke uu soo hadal qaaday dadaalada dhanka nabadda, taasoo rajo wanaagsan uu ka muujiyey in ay ka soo baxaan wax la taaban karo.
|