:: Welcome --- Simba | News in Somali

Abaaro baahsan oo laga soo sheegayo degmada Raaga Ceelle ee gobolka Sh/Dhexe
Posted on: Axad, 15 March 2009 - Simba, Muqdisho

Abaaro baahsan ayaa ka jirta degmada Raaga Celle ee gobolka Sh/Dhexe

Deegaano badan oo hoos taga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Sh/Dhexe ayaa la soo sheegayaa in ay ka jiraan abaaro aad u baahsan oo saameeyey dadka iyo duunyada ku nool deegaanadaasi, iyadoo dad iyo xooloba u dhinteen abaarahan.

Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool deegaanada ayaa waxaa ay sheegayaan in dhibaatada ugu weyn ee xilligan heysata ay ka mid tahay biyo la'aan, iyagoona fariimo codsi ah u jeediyey laamaha samafalka ee ka howl gala gudaha iyo dibadda iyo weliba cid walba oo wax ka tari karta dhibaatooyinkan.

Degmada Raaga Ceelle, ayaa qoysas badan waxay u muuqdaan kuwo isku diyaarinaya in ay ka barakacaan deegaanadooda, sababo la xiriira dhibaatooyinka nolol xumo ee xilligan taagan, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.

Dhibaatooyinka dhanka nolosha ayaa xilligan waxaa kaloo ay ka jiraan gobolada qaar ee dalka, hasa ahaatee dhibaatooyinka ayaa ah kuwo kala daran.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani