:: Welcome --- Simba | News in Somali

Warar dheeraad oo ka soo baxaya dagaalkii ka socday qeybo ka tirsan degmada Ceelbuur ee G/Galguduud
Posted on: Axad, 15 March 2009 - Simba, Ceelbuur

Dad badan ayaa ku dhintay dagaal ka socda bartamaha Soomaaliya

Dagaal qaraar oo maalintii labaad ka socda deegaanka Wabxo iyo deegaano ku dhow dhow ee gobolka Galguduud, ayuu u dhaxeeyaa xoogag kala taabacsan Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljameeca, iyadoo ay soo baxayaan warar dheeraad oo la xiriira dagaalkan.

Afhayeen u hadlay Xisbul Islaam, Sheekh Muuse Cabdi Caraale ayaa sheegay in ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda qeybo ka tirsan degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud, kaasoo geystay qasaare nafeed oo aad u tiro badan.

Dagaalkan, ayaa dhanka kale waxaa ka hadlay afhayeenka Ahlu Sunna Waljameeca. Sheekh C/raxmaan C/llaahi ayaa qiran dhankooda in hal askari uga geeriyooday dagaalkii maanta.

Dagaalkan ayaa waxaa uu daba joogaa dagaal si xowli ah ku socday oo shalay ka qarxay deegaanka Wabxo, kaasoo ku sii fiday dhulka howdka ah.

Gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Somalia ayaa bilihii u dambeeyey waxaa ka jiray dagaalo soo noqnoqday, oo ay ku geeriyoodeen dad aad u tiro badan halka qaar kalena ay uga barakaceen deegaanadooda.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani