:: Welcome --- Simba | News in Somali

Ku dhowaad "20" qof oo ku dhintay dagaal ka socda deegaano ka tirsan degmada Ceelbuur ee G/Galguduud
Posted on: Axad, 15 March 2009 - Simba, Ceelbuur

Dagaal qaraar ayaa ka socda degmada Ceelbuur

Dagaal kulul ayaa maalintii labaad ka socda deegaano hoos yimaada degmada Ceelbuur gaar ahaan deegaanka Wabxo ee gobolka Galguduud - bartamaha dalka, kaasoo la soo sheegayo in uu ka dhex taagan yahay xoogaga kala taabacsan Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna.

Wararka ka soo baxaya dagaalkan ayaa sheegaya in qasaaraha uu gaarayo ku dhowaad labaatan qof oo dhimasho ah halka dhaawaca uu caga-cageynayo afartameeyo kale.

Dagaalkan ayaa waxaa uu qarxay saacadihii ugu dambeeyey; wuxuuna ku sii fiday sida wararka nagu soo gaarayo goobta uu ka qarxay ee deegaanka Wabxo oo ka tirsan degmada Ceelbuur.

Xiriirka isgaarsiinta ee dhulka uu saameeyey dagaalka oo aad u liidata aawadeed ayaa waxaan la ogaan karin qasaaraha dhabta ah ee uu geystay dagaalkan, balse wixii warar ah ee ku soo kordha waan idin soo gudbin doonaa...

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani