:: Welcome --- Simba | News in Somali

Xaaladda degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud oo degan ka dib dagaal halkaasi ka dhacay
Posted on: Axad, 15 March 2009 - Simba, Ceelbuur

Dagaal ayaa ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud

Xoogag la rumeysan yahay in ay kala taabacsan yihiin Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna ayaa dagaal kulul ku dhex maray deegaano hoos taga degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud saacadihii u dambeeyey.

Saaka ayaa wararka laga helayo dhulkii uu saameeyey dagaalkan, xaaladda ayaa waxaa ay tahay mid xasiloon inkastoo la dareemayo raadadkii ka dhashay dagaalka.

Labada dhinac dagaalka uu dhex maray ee Al-Shabaab iyo Ahulu Sunna, ayaan weli la hadlin warbaahinta, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha uu geystay dagaalkan u dhaxeeyey dhinacyadan iska soo horjeeda.

Xaaladda guud ee degmada Ceelbuur ayaa la soo sheegayaa in ay degan tahay, balse dareenka dadweynaha ayaa ah mid ay walwal iyo cabsi ka muujinayaan sida ay xaaladdu isku bedesho, waxaana dad badan ay ka carareen deegaanadooda, qaar ka mid ah dadweynaha ayaa u sheegay Simba.

Si kastaba, dagaalkan ayaa u muuqda mid qeyb ka ah dagaalo soo noqnoqday oo bilihii u dambeeyey ka taagnaa deegaano ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani