Dadweynaha ku dhaqan gobolka Bakool oo ka cabanaya "dhibaatooyin ay wadaan" ciidamadii TFG-da
Posted on: Axad, 15 March 2009 - Simba, Ceelbarde
 |
| Cabasho la xiriirta xasilooni darro ayaa ka soo yeeraysa degmada Ceelbarde |
|
Dhibaatooyin xasilooni darro ayaa la soo sheegayaa in ay ka jiraan deegaano hoos yimaada gobolka Bakool gaar ahaan degmada Ceelbarde, taasoo qeylo dhaan xoogan ka muujinayaan dadweynaha ku dhaqan degmadaasi Ceelbarde.
Dhibaatooyinkan ayaa lagu eedeynayaa in ay qeyb ka yihiin ciidamadii dowladdii TFG-da ee gobolada Bay iyo Bakool kuwaasoo haatan ku sugan qeybo ka tirsan goboladaasi, dadka deegaanka ayaa soo sheegaya.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan, saacadihii u dambeeyey in ciidamadaasi ay bilaabeen howlo dhac iyo baarasho ah kuwaasoo caqabad ku noqday adeegyada kala duwan ay u baahan yihiin bulshada ku nool degmada Ceelbarde iyo deegaanada ku dhow dhow.
Waxaa xusid mudan in waqtiyadii la soo dhaafay, mas'uuliyiin ka tirsan maamuladii gobolada Bay iyo Bakool hadalo ka jeedinayeen warbaahinta iyagoona rajo ka muujinayey dib ugu laabashada deegaanadii ay maamuli jireen.
Si kastaba, cabashadan ka soo yeeraysa dadweynaha qaarkood ayaa waxay ku soo aadeysaa xilli xarakada Al-Shabaab ay la wareegeen xarunta gobolka Bay, halkaasoo isbedel weyn oo dhanka ammaanka laga dareemayo.
|