:: Welcome --- Simba | News in Somali

Dhibaatooyin biyo la'aaneyd oo ka taagan deegaano badan oo ka tirsan Buurhakaba ee gobolka Bay
Posted on: Axad, 15 March 2009 - Simba, Buurhakaba

Biyo la'aan ayaa ka taagan degmada Buurhakaba

Qeylo dhaan xoogan ayaa ka soo yeeraysa bulshada ku dhaqan degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, halkaasoo ay ka jiraan dhibaatooyin dhanka nolosha ay ugu horeyso biyo la'aan aad u baahsan.

Degmada Buurhakaba oo ay hoos yimaadaan tuulooyin aad u fara badan ayaa dadka ku nool deegaanadaasi waxay ka cabanayaan isla markaana ugu baaqayaan laamaha caafimaad, in lala gaaro gurmad bini'aadanimo oo degdeg ah.

Dhibaatooyinkan dhanka nolosha ayaa aad waxay u taabteen dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyda ku nool deegaano kala duwan oo ka tirsan degmada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Deegaanadan ayaa waxaa kaloo ka jira cudurka shubanka, taasoo dhaqaatiirta caafimaad ay ku micneeyeen isticmaalka biyaha wasaqeysan oo dadku ay cabaan, maadaama biyo la'aantu ay saameysay deegaano kala duwan ee degmada Buurhakaba.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani