:: Welcome --- Simba | News in Somali

M/weyne Shariif Sheekh Axmed oo si weyn u difaacay qorshaha ku dhaqanka shareecada Islaamka
Posted on: Sabti, 14 March 2009 - Simba, Kampala

Madaxweyne Shariif ayaa ka hadlay ku dhaqanka shareecada

Isagoo ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda, ayaa weynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed waxaa uu halkaasi kula hadlay saxaafadda ka dib markii kulan uu la qaatay dhigiisa dalkaasi, waxayna isla soo qaaday arrimo dhinacyo badan taabanaya.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa si weyn u difaacay qorshaha ku dhaqanka shareecada Islaamka, kaasi oo dhowaan ay ansixiyeen golaha wasiirada ee xukuumadda KMG, lana filayo baarlamaanka dhankiisa in uu ansixiyo todobaadkan gudahiis.

Waxaa uu xusay in shareecada aysan marnaba ogoleen si khaldan in dhiig loo daadiyo, isagoona sidoo kale xusay ku dhaqanka shareecada in ay fursad weyn u tahay joojinta dagaalada.

Wixii ka dambeeyey ansixinta ku dhaqanka shareecada, ayaa waxaa soo kordhaya taageero loo fidinayo dowladda KMG, taasoo Madaxweyne Shariifna uu ku tilmaamay mid lagu baajinayo fursadda kasta oo dib u soo celin karta dagaal iyo xasilooni darro.

Marka laga hadlayo qorshahan ee ku dhaqanka shareecada, ayaa waxaa jira garabyada qaarkood oo ku tilmaamay mid shir-qool ah lagana damacsan yahay ujeedooyin gaar ah.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani