Gudoomiyaha maamulka gobolka Bari oo sheegay in ay hayaan kiisas la xiriira qaraxyadii ka dhacay Boosaaso
Posted on: Sabti, 14 March 2009 - Simba, Boosaaso
 |
| Maamulka gobolka Bari ayaa wada qorshe lagu joojinayo xasilooni darrada |
|
Gudoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland, oo u waramayey idaacadda Simba ayaa ka hadlay weeraro qaraxyo ah oo dhowaab ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka.
Dr. Muuse Geelle Faroole ayaa ku tilmaamay weeraradaasi kuwo lagu doonayo in lagu abuuro cabsi iyo qalqal dhanka ammaanka ah gudaha gobolka Bari, isagoona tilmaamay in ay ka hor tagi doonaan.
Waxaa kaloo uu sheegay in ay hayaan kiisas la xiriira qaraxyadii ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso dhowaan, wuxuuse ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo cidda ay tuhmayaan in ay ku lug leeyihiin, isagoo sheegay in ay weli socdaan baaritaano.
Dr. Faroole ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dib u soo celinta xasiloonida deegaanada hoos yimaada gobolka Bari, oo laga soo sheegayey falal ka dhan ah ammaanka mudooyinkii u dambeeyey.
|