:: Welcome --- Simba | News in Somali

Wasiirka Waxbarashada dowladda KMG oo kulan la qaatay daladaha waxbarasho ee ka dhisan Muqdisho
Posted on: Sabti, 14 March 2009 - Simba, Muqdisho

Maanta ayaa markii ugu horeysay wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo barbaarinta, Axmed C/llaahi Waayeel, waxaa uu kulan la qaatay xubno ka socday daladaha waxbarasho ee ka dhisan magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa intii uu socday ayaa ayaa waxaa lagu soo qaaday Waxbarashada ka jirta magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan ujeedadiisu aheyd mid wada tashi iyo halka looga sii dhaqaajin karo howlaha Waxbarashada.

Dagaaladii ka socday caasimadda ayaa aad waxay u saameeyeen xarumihii Waxbarasho, iyadoo dagaalada ay ku dhaf-waayeen arday aad u badan iyo weliba macalimiin wax ka dhigi jiray iskuulada ku yaala magaalada Muqdisho.

Axmed Waayeel, wasiirka wasaaradda Waxbarashada ayaa tacsi u diray qoysaska iyo asxaabta ay ka geeriyoodeen macalimiintii Waxbarashada u waday ubadka Soomaaliyeed, gudaha Muqdisho.

Waxbarashada ka jirta magaalada Muqdisho ayaa waxay soo martay marxalado aad u adag, hasa ahaatee macalimiin badan ayaa u dhabar adeegay howsha u hayaan bulshada ee Wax-baridda ubadka Soomaaliyeed.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani