:: Welcome --- Simba | News in Somali

Gudoomiyaha maamulka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir oo lagu dhaawacay qarax miino
Posted on: Sabti, 14 March 2009 - Simba, Muqdisho

Qarax miino ayaa lala eegtay gaari marayey agagaarka suuqa weyn ee degmada Wadajir, magaalada Muqdisho gabal dhicii maanta, kaasoo uu saarnaa gudoomiyaha maamulka degmada Wadajir.

Mas'uul ka tirsan maamulka degmada Wadajir ayaa u xaqiijiyey idaacadda Simba, in dhaawac uu soo gaaray Axmed Xasan Caddow - Axmed Daaci, halka uu geeriyooday darawalkii gaariga waday.

Axmed Daaci, gudoomiyaha maamulka degmada Wadajir ayaa dhaawaciisa loo qaaday cisbitaal ay joogaan ciidamada Amisom, iyadoo xaaladdiisa la sheegayo in ay tahay mid soo hagaageysa.

Maalinimadii Arbacada ayey aheyd markii uu ku geeriyooday Cubeend Maxamed Maxamuud oo ahaa madaxii ammaanka xafiiska R/wasaarihii hore ee xukuumadda KMG, gudaha degmada Shibis.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani