:: Welcome --- Simba | News in Somali

Madaxweyne Shariif oo kulan muhiim ah la qaadanaya Soomaalida ku nool dalka Uganda
Posted on: Sabti, 14 March 2009 - Simba, Kampala

M/weyne Shariif oo la shiraya Soomaalida ku nool Kampala

Maanta ayaa magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda waxaa ka socda xaflad balaaran oo ay isugu yimaadeen Soomaalida ku nool dalkaasi, iyadoo xafladdan la filayo in uu ka qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wariye Faarax Blu oo u waramayey idaacadda Simba, ayaa sheegay in qaban qaabada xafladda ay ka socoto howl aad u balaaran ku yaala gudaha magaalada Kampala, iyadoo sugidda ammaanka ay ku howlan yihiin ciidamada ammaanka.

Madaweyne Shariif ayaa la filayaa in uu soo gaaro howlka, halkaasoo kula shiri doono wakiilo ka socda jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda iyo xubno kale.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaan qodobo ay ka mid yihiin ammaanka dalka Soomaaliya iyo doorka ay ku yeelan karaan Soomaalida qurba joogta, gaar ahaan dalka Uganda.

Wixii warar ah ee ku soo kordha shirkan kala soco Radio Simba...

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani