:: Welcome --- Simba | News in Somali

R/wasaare Sharma'arke oo magacaabay guddi la socon doona dhaqaalaha ka soo xarooda garoonka iyo dekadda
Posted on: Sabti, 14 March 2009 - Simba, Muqdisho

Shir jaraa'id uu ku qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho, ayaa R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke waxaa uu kaga hadlay arrimo dhowr ah, isagoona faah faahin ka bixiyey waxyaabaha uu qaban doono guddi uu magacaabay.

R/wasaare Sharma'arke ayaa sheegay guddigan oo hoos tagi doona xafiiskiisa, waxyaabaha uu qaban doono ay ka mid yihiin la socodka dhaqliga ka soo xarooda garoonka diyaaradaha iyo dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, isagoona sidoo kale cadeeyey sida laga yeeli doono dhaqaalahaasi.

Waxaa uu carabka ku dhuftay in wax loogu qaban doono dadka barakcayaasha iyo dadka kale ee dhibaateysan.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayaa Mr. Sharma'arke waxaa uu soo hadal qaaday xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho, wuxuuna ku celiyey in dhowaan la xareyn doono ciidamada dowladda, isla markaana loo furi doono tobabaro lagu barayo sidii u gudan lahaayeen howlahooda caadiga ah.

Dhanka kale, waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha dib u heshiisiinta, isagoona mahad celin balaaran u jeediyey Culimada diinta iyo odayaasha dhaqanka doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, taasoo uu sheegay in xukuumaddiisa ay hore u sii wadi doonto.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani