:: Welcome --- Simba | News in Somali

Cumar Xaashi Aadan oo sharaxaad ka bixiyey safar uu ku gaaray dalka Ethiopia isaga iyo xubno la socday
Posted on: Sabti, 14 March 2009 - Simba, Muqdisho

Wasiirka amniga qaranka, Cumar Xaashi Aadan ayaa sheegay inuu la soo kulmay saraakiil Itoobiyaan ah

Isagoo ugu waramayey idaacadda Simba gudaha magaalada Muqdisho ka dib safar qaatay todobo cisho oo ku soo qaatay isaga iyo xubno la socday gudaha dalka Ethiopia, ayaa wasiirka ammaanka qaranka, Cumar Xaashi Adan waxaa uu sharaxaad ka bixiyey ujeedada safarkooda.

Waxaa uu sheegay in safarkooda uu ka yimid ka dib markii casuumaad ay ka heleen dowladda Ethiopia, si ay uga qeyb qaataan tobabar ciidan oo loo soo xirayey askar ka tirsan dowladda KMG gudaha dalka Ethiopia, taasoo uu tilmaamay in jawi wanaagsan ay "wax walba ku soo idlaadeen".

Hadalkiisa ayaa intaasi waxaa uu ku daray iney la soo kulmeen saraakiil sare oo dhanka ciidanka iyo siyaasaddaba ah intii ay ku guda jireen safarkooda, taasoo sidoo kale uu tilmaamay iney kala soo adleen arrimo dhowr ah.

Cumar Xaashi Aadan oo xubin sare ka ah golihii Maxkadaha Islaamiga, ayaa sheegay in dowladda Ethiopia kala soo hadlay arrimo la xiriira daris wanaag iyo sidii loo soo celin lahaa xiriirka laba dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Mar uu ka hadlayey dhanka kale soo celinta ammaanka iyo kala dambeynta, ayaa waxa uu xusay in ammaanka uu yahay furaha wax walba, "hadii la helana wax walba la heli doono."

"Waa ereyo aan sal laheyn. Waxaan ka shaqeynaa shacabka wanaagiisa iyo sidii uga gudbi lahaa dhibaatada" ayuu yiri isagoo ka jawaabayey su'aal aheyd sida uu u arko eedeymaha ka soo yeeraya xubnaha mucaaradsan hanaanka dowladeed.

Si kastaba ha ahaatee, socdaalka wafdiga uu hogaaminayey Cumar Xaashi Aadan ay u gaareen dalka Ethiopia ayaa qeyb waxaa uu ka yahay isku dayga dowladda KMG ay ku dooneyso iney la sameysato xiriir wanaagsan dowladaha dariska ah.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani