:: Welcome --- Simba | News in Somali

Meydad badan oo laga soo saaray Fariisin ay deganaayeen ciidamadii Itoobiya gudaha Baydhabo
Posted on: Sabti, 14 March 2009 - Simba, Baydhabo

Meydad badan ayaa laga soo saaray fariisinkii Itoobiyaanka

Labo bilood ka dib markii ciidamadii Itoobiya ay isaga huleeleen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, ayaa maanta markii ugu horeysay qaar ka mid ah fariisimihii ay deganaayeen ciidamadaasi waxaa baaritaan ku sameeyey guutooyin ka tirsan xarajada Al-Shabaab.

Xarunta warshaddii Xasey oo ku taala duleedka bari ee magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga soo saaray qolfoofta dad tiradoodu lagu qiyaasay 10 ruux, kuwaasoo la tilmaamay in ay xasuuqeen ciidamada milatariga Itoobiya mudadii ay joogeen gudaha dalka Soomaaliya.

Howlgalka ka dib ayaa goota durbaba waxaa gaaray afhayeenka xarakada Al-Shabaab, Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo saraakiil kale uu ka mid yahay gudoomiyaha Al-Shabaab ee maamulada gobolada Bay iyo Bakool.

Sheekh Xasan Cali Abuu Ayman oo la hadlayey War-fidiyeenada ayaa waxaa uu tilmaamay dadkii sida tooska u xasuuqeen ciidamadii Itoobiya in ay ka badan yihiin kuwa ay qarsoodiga u laayeen, isagoona carabka ku dhuftay meydadka maanta la helay in ay ka tirsanaayeen xoogagii la dagaalamayey Itoobiyaanka.

Sidoo kale, goobta ayaa waxaa ka hadlay Sh. Mukhtaar Roobow oo sheegay mas'uuliyadda xasuuqan in ay dusha u ridaneyso xukuumadda Addis Ababa oo taageero muuqata u fidisay dowladda TFG-da uu hogaaminayey C/llaahi Yuusuf Axmed.

Talaabadan ay maanta qaadeen xoogaga Al-Shabaab ayaa waxay u muuqataa mid daba socota qorsheyaal iyo dadaalo xoogan oo ku aadan baahinta awooda maamulka dhowaan laga yagleelay deegaanada gobolada Bay iyo Bakool.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani