Maamulka degmada Baardheere oo ugu baaqay bulshada in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo xasiloonida
Posted on: Sabti, 14 March 2009 - Simba, Baardheere
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Islaamiga ee degmada Baardheere ayaa goob fagaaro kula hadlay bulshada ku dhaqan degmadaasi ee gobolka Gedo, halkasoo ay isugu soo baxeen dadweyne tiro badan saacadihii u dambeeyey.
Sheekh Farxaan, taliyaha ciidamada ammaanka degmada Baardheere ayaa ugu baaqay bulshada in ay ka qeyb qaataan nabadda, isagoona ka sheekeeyey wanaaga ay leedahay nabadda.
Bilihii ugu dambeeyey ayaa deegaano badan oo hoos yimaada gobolka Gedo, ammaanka waxaa si toos u sugayey maamulka xilligan ka dhisan gobolka Gedo ay hogaaminayaan saraakiisha dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.
Degmada Baardheere ayaa waxaa ka jira amni la'isku haleen karo, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba ee gobolka Gedo.
Dhanka kale, waxaa degan xaaladda degmada Garbahaarey halkaasoo ay ka dhacday shaqaaqad maalinimadii shalay.
|