Ahmedo Ould-Abdallah oo ku baaqay taageero la taaban karo oo loo fidiyo dowladda Soomaaliyeed
Posted on: Sabti, 14 March 2009 - Simba, Nairobi
 |
| Ahmedou oo sheegay dowladda Somalia in ay ku socoto wadadii loo baahnaa |
|
Warsaxaafadeed uu soo saaray wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdalla ayaa waxaa uu ammaan balaaran u soo jeediyey dowladda KMG ee uu hogaaminayo M/weyne Shariif Sheekh Axmed.
Ahmedou ayaa sheegay dowladda Soomaaliya ee KMG ah in ay ku socoto wadadii loo baahnaa, maadaama ay ku howl galeyso caasimadda, isagoona baaq u jeediyey beesha caalamka in taageero la taaban karo loo fidiyo dowladda Soomaaliyeed.
Dhaq dhaqaaqayada xilligan ka socda gudaha Soomaaliya, ayaa waxaa uu ku micneeyey kuwo dib u soo celin kara sharaftii Somalia ay ku laheyd caalamka, isagoona aad u ammaanay wada shaqeynta markii ugu horeysay ee dhex mareysa Soomaalida.
Wakiilka QM, ayaa carabka ku dhuftay xilligan in aysan jirin mar-marsiiyo lagu sii wadi karo dagaalada, isagoona ugu baaqay ummadda Soomaaliyeed in ay ka faa'ideystaan fursadda hortaalla.
Dhowaan ayaa la filayaa kulamo caalami ah in ay ka dhacaan dalal kala duwan, waxaana Mr. Ould uu sheegay kulamadaasi in lagu soo qaadi doono arrimaha Soomaaliya iyo xaaladaha ka jira gudaha dalka.
|