:: Welcome --- Simba | News in Somali

Saraakiil ka tirsan dowladdii TFG-da oo kulan kula qaatay saraakiil Itoobiyaan ah degmada Ceelbarde
Posted on: Jimce, 13 March 2009 - Simba, Ceelbarde

Degmada Ceelbarde oo ku dhow xuduuda dalka Ethiopia ayaa wararka ka imaanaya waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay ku kulmeen saraakiil ka kala tirsan maamulkii gobolda Bay iyo Bakool ee dowladdii TFG-da iyo saraakiil Itoobiyaan ah.

Lama oga waxyaabaha ay isla soo qaadeen labadan dhinac, hasa ahaatee kulankan ayaa suurta gal ka dhigaya in uu jiro taageero ay yeelan karaan labada dhinac, sida ay wararku tibaaxayaan.

Mid ka mid ah saraakiisha TFG-da, Macalin Maxmed Axmed ayaa waxaa uu sheegay in aysan aqoonsaneyn maamulkada xilligan ka dhisan gobolada Bay iyo Bakool oo ay horkcayaan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab.

Dhowaan ayey aheyd markii dowladda Ethiopia guud ahaan kala baxday ciidamadeeda gudaha Soomaaliya, taasoo aan la ogeyn sida uu u sii jiri karo xiriirka ka dhaxeeya saraakiishii gobolada Bay iyo Bakool ee dowladdii TFG-da iyo saraakiisha Itoobiya ee ku sugan xuduuda dalkaasi.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani