Labo qof oo dhibaato biyo la'aaneyd ugu geeriyooday deegaan ka tirsan degmada Wanla weyn
Posted on: Jimce, 13 March 2009 - Simba, Sh/Hoose
 |
| Biyo la'aan baahsan ayaa laga soo sheegayaa degmada Wanla weyn |
|
Deegaanka Libaaxle oo ka tirsan degmada Wanla weyn - gobolka Sh/Hoose, ayaa la soo sheegayaa in halkaasi ay ka taagan tahay dhibaato biyo la'aaneyd, taasoo bulshada ku dhaqan deegaankaasi aad uga cabanayaan.
Qaar ka tirsan dadweynaha ku nool deegaankaasi ayaa u sheegay idaacadda Simba, in labo qof ay geeriyoodeen saacadihii ugu dambeeyey biyo la'aanta ka jirta halkaasi aawadeed.
Deegaano badan oo hoos yimaada gobolka Sh/Hoose ayaa mudooyinkanba waxaa ka jira dhibaatooyin ay ka mid yihiin cudurka shuban biyoodka oo dad badan ku dilay deegaanadaasi.
Dhibaatada dhanka nolosha ee haatan ka taagan deegaanka Libaaxle ee degmada Wanla weyn ayaa gaartay heerkii ugu sareysay, waxaana jira dad bada oo deegaanadooda ka barakacaya dhibaatada soo food saartay.
Waxgaradka iyo Odayaasha ku nool deegaankan laga soo sheegayo dhibaatada biyo la'aaneyd, ayaa waxay codsanayaan in lala gaaro gurmad bini'aadanimo oo deg deg ah si wax looga qabto xaaladda nolol xumo ay ku nool yihiin.
|