Maamulka gobolka Banaadir oo ku celiyey in ay furi doonaan wadooyinka xiran ee qeybo ka tirsan Muqdisho
Posted on: Jimce, 13 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay qaadi doonaan isbaarooyinkii haray |
|
Shir jaraa'id uu maanta qabtay gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir, C/fitaax Ibaraahim Cumar Sabriye Shaaweeye ayaa waxaa uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xirnaanshaha wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.
Wadooyinkan xilligan xiran oo aan la isticmaaleynin ayaa waxaa ka mid ah jidka Tarbuunka iyo wadooyinka kale oo dhex mara bartamaha magaalada Muqdisho, kuwaasoo muhiim u ah adeegyada bulshada.
C/fitaax Shaaweeye ayaa carabka ku dhuftay in ay jiraan dadaalo ay ku howlan yihiin mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir si dib loogu furo wadooyinka ku xirmay dagaaladii ugu dambeeyey.
Waxaa kaloo uu sheegay in ay qaadi doonaan isbaarooyinka ku haray qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho taasoo wax badan ku soo kordhin karta adeegyada bulshad, hasa ahaatee waxaan la ogeyn sida looga dhabeyn karo balan qaadkan ka soo yeeraya maamulka gobolka Banaadir.
Warkan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli afhayeen u hadlay Xisbul Islaam uu ku eedeeyey dowladda KMG in ay wado howlo uu ku sheegay daandaansi iyo isbalaarin, taasoo keeni karta buu yiri cawaaqib xumo laga dhaxla.
|