:: Welcome --- Simba | News in Somali

Maamulka degmada B/Xaawo oo ka war bixiyey dhibaatooyin dhanka nolosha oo halkaasi ka taagan
Posted on: Jimce, 13 March 2009 - Simba, Muqdisho

Deegaano hoos yimaada degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo, ayaa dadka ku nool deegaanadaasi waxaa ay ku sugan yihiin dhibaato la xiriirta dhanka nolosha oo aad u liidata, sida uu sheegay gudoomiyaha maamulka degmadaasi.

Axmed Maxamed Yuusuf Barkuus ayaa waxa uu ka dayriyey xaalada nolol xumo ee la soo gudboonaatay dadka ku dhaqan deegaanada ay saameeyeen dhibaatoyinka nololeed.

Dhibaatada ayaa waxaa ay tahay biyo la'aan iyo cunada oo aad gawaabsi u ah, taasoo gudoomiyaha maamulka uu ka codsaday hey'adaha, ganacsatada iyo inta wax ka qaban karta dhibaatadan in ay u gurmato dadkan dhibaateysan.

Dad aad badan oo ka soo barakacay deegaano kala duwan ayaa ku nool degmada Balad Xaawo, kuwaasoo ay la soo gudboonaatay xaalad bini'aadanimo oo aad u liidata.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani