Dibadbax cabasho oo ay dhigeen qoysaska ku barakacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Muqdisho
Posted on: Jimce, 13 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Tareedisho oo ka dhacay dibadbax cabasho ah |
|
Dad weyne fara badan ayaa maanta isugu soo baxay deegaanka ay ku nool yihiin dadkii ka baracakay magaalada Muqdisho, halkaasoo ka dhacay dibadbax cabasho ah.
Qoysaskan ayaa waxay ka cabanayaan dhibaatooyin dhanka nolosha oo la soo gudbiinaatay, iyadoo qaar ka mid ah dibadbaxayaasha uu u waramay idaacadda Simba, ay sheegeen in inmudo ah aysan helin wax kaalmo ah.
Dhibanayaashan ka barakacay deegaanadooda, ayaa waxay codsanayaan in lala gaaro kaalmo bini'aadanimo si wax looga qabto dhibaatooyinka nololeed ee ka taagan deegaanada ku yaala duleedka Muqdisho oo ay ku nool yihiin qoysas barakacayaal ah.
Intii dibadbaxa socday ayaa dadkii ka qeyb qaadanayey waxaa ay muujiyeen dhibaatooyinka nololeed ay ku sugan yihiin, iyagoona dalbaday in si dhaqsi ah lala soo gaaro gurmad iyo kaalmo bini'aadanimo.
|