Afhayeenka xisbul Islaam oo daandaansi iyo abuurid xiisad ku eedeeyey dowladda KMG
Posted on: Jimce, 13 March 2009 - Simba, Muqdisho
Sheekh Muuse Cabdi Caraale, afhayeenka xisbul Islaam oo u waramayey idaacadda Simba ayaa ku eedeeyey dowladda KMG, gaar ahaan taliska ciidamada booliska in uu wado qorshe uu ku abuurayo xiisad colaadeed iyo in uu wad daandaansi, sida uu hadalka u dhigay.
Afhayeenka ayaa hadalkiisa intaasi waxaa uu ku sii daray in ciidamada dowladda KMG ay wadaan qorshe isbalaarin ah, taasoo keeni karta buu xusay dagaal dhiig badan mar kale ku daata, isagoona ka digay dhibaatadaasi imaan karta.
Sh. Muuse Caraale waxaa uu tilmaamay iney diyaar u yihiin ka qaadista xoogaga xisbiga goobaha loogu talagalay iney dagaan dadka rayidka ayna noqdaan goobo ay ka caagan yihiin ciidamada.
Waxaa uu ka digay weerar uga yimaada dhanka kale, kaasoo uu carabka ku dhufray iney diyaar u yihiin ka jawaabidda weerar kasta oo lala bartilmaameed sado xarumaha ay joogaan ciidamada xisbul Islaam, sida uu mar kale yiri isagoo jeedinayey ereyo digniin ah.
Dhanka kale, taliye xigeenka ciidamada booliska dowladda KMG, Korneel Yuusuf Dhuumaal oo ka jawaabayey eedeyntan, ayaa si kulul u beeniyey waxyaabaha lagu eedeeyey ciidamada booliska dowladda KMG.
Korneel Dhuumaal ayaa rajo balaaran ka muujiyey iney miro ka soo baxaan dadaalada iyo waanwaanta la doonayo in lagu kala raro ciidamada isku horfadhiya qeybo ka tirsan xaafadaha magaalada Muqdisho.
Taliye xigeenka booliska ayaa qiray ciidamadiisu iney joogaan goobo kala duwan, wuxuuna carabka ku adkeeyey in dhankooda u hogaansamayaan go'aanada ay soo saaraan guddiga ku howlan dhex dhexaadinta iyo dib u heshiisiinta.
"Waxaan balan qaadeynaa saddex qodob" ayuu yiri Korneel Yuusuf Dhuumaal "...waxaan u hogaan sameynaa qorshaha ay wadaan Culima'udiinka iyo Odayaasha dhaqanka, in aan wadin aana qaadi doonin wax weerar ah iyo in aan taageersan nahay wax walba oo dhalin kara xasiloono."
Ereyadan ay isku naqdinayaan labada dhinac ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli maalmahan dambe la dareemayo xiisad colaadeed iyo dadaalo nabadeed oo isbar bar socda gudaha magaalada Muqdisho.
|