:: Welcome --- Simba | News in Somali

Saraakiil ka tirsan Maxkamadaha oo dadaalo nabadeed ka wada deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/Dhexe
Posted on: Jimce, 13 March 2009 - Simba, Sh/Dhexe

Beelo ku dagaalamay deegaanka Xawaadley oo la heshiisiinayo

Dadaalo nabadeed ay wadaan saraakiil ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ayaa ka socda deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/Dhexe halkaasoo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa beelo wada dega deegaanka Xawaadley.

Sheekh Axmed Fiidow oo qeyb ka ah dadaaladan, ayaa waxaa uu sheegay in la'isa soo horfariisiyey xubno ka soo kala jeeda labada dhinac, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey halka ay marayaan dadaalada nabadeed.

Beelahan ayaa waxay isku qilaafsan yihiin muran la xiriira dhanka maamulka, waxaana murankooda uu dhaliyey gacan ka hadal uu dhiig badan ku daatay.

Waa markii labaad, mudo gaaban gudahood, dadaalo la'isugu dayayo soo afjaridda xiisadan ka dhex taagan labada beel laga sameeyo deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/Dhexe.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani