Burcad badeeda Soomaalida oo dhaawac u geystay shaqaale saaran markab laga leeyahay Japan
Posted on: Jimce, 13 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Burcad badeeda ayaa weeraray markab ay leedahay dowladda Japan |
|
Koox aad u hubeysan kana mid ah burcad badeeda Soomaalida ayaa weerar ku qaaday markab dhex mushaaxayey biyaha Soomaaliyeed, iyadoo weerarkan ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah shaqaalaha saaran markabka ay weerareen burcad badeeda.
Afhayeen u hadlay markabkan ayaa sheegay iney dhaawacyo soo gaareen labo ka mid ah shaqaalaha markabka oo laga leeyahay dalka Japan ka dib markii rasaas dhan walba ah ku soo fureen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan maraakiib dagaal ay leeyihiin dowlado shisheeye si ay uga hortagaan kooxaha burcad badeeda, hasa ahaatee ma aysan soo kordhinin wax cabsi ah iyadoo burcad badeeda weli sii wataan afduubyada ay geysanayaan.
Kooxaha burcad badeeda oo inta badan ku andacooda iney yihiin ilaalada xeebaha dalka ayaa gacantooda waxaa weli ku jira maraakiib iyo shaqaalihii saarnaa kuwaasoo ay ku dalabanayaan lacago madax furasho ah.
|