:: Welcome --- Simba | News in Somali

Machadka tobabarka caafimaadka OTTI oo qabtay imtixaanka feynalka dufcaddii 30-aad
Posted on: Jimce, 13 March 2009 - Simba, Muqdisho

Ardayda wax ka barata mahcadka tobabarka caafimaadka ee OTTI qeybta Muqdisho, ayaa waxaa u furmay imtixaanka feynalka maalinimadii Khamiista gudaha magaalada Muqdisho.

Imtixaanka ayaa waxaa u farsiistay illaa 31 arday kuwaasoo dhammaantood ka qalan jabiyey tobabar caafimaad oo inmudo ah u socday, iyadoo furitaanka imtixaanka gudaha machadka lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayo.

Munaasabadda ayaa ereyo kooban waxaa ka jeediyey maamulaha machadka OTTI, Maxamed Macalin Ibaraahi (Biikole) iyo ku xigeenkiisa, Raage Cali Xirsi. Labaduba waxaa ay ka sheekeeyeen muhiimadda iyo faa'idada ay Waxbarashadu leedahay, gaar ahaan barashada caafimaadka.

"Barashada caafimaadka ayaa tiir dhexaadka waxay u tahay aadanaha oo idil".

Kala xiriir macalimiinta cinwankan:
Tell: 5528948 Email: mpiccolo120@hotmail.com
Macalin Raage - 5577256
Email: cabdulaahiyare2@hotmail.com

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani