:: Welcome --- Simba | News in Somali

Golaha wasiirada dalka Japan oo ansixiyey maraakiib dagaal oo loo sii dirayo xeebaha Soomaaliyeed
Posted on: Jimce, 13 March 2009 - Simba, Tokyo

Dowladda Japan ayaa sheegtay inay soo direyso maraakiib dagaal

Dowladda Japan ayaa mar kale ansixisay labo maraakiib kuwa dagaalka ah ay ku soo biixin doonto ciidamada hubanta ee jooga xeebaha ku dhirirsan Soomaaliya, kuwaasoo wada la dagaalanka kooxaha burcad badeeda.

Wasiirka difaacad dalka Japan ayaa sheegay golaha wasiirada dalkaasi iney ansixiyeen labo markab ay saaran yihiin 400 badmaaxiyiin kuwaasi oo ilaalin doona maraakiibta ganacsiga dalka Japan ee isticmaala nawaaxiga xeebaha Soomaaliya.

Golaha wasiirada aya waxay kaloo ansixiyeen maraakiibtan iney isdifaaci karaan hadii la soo weeraro, iyadoo wasiirka difaacana uu xusan burcad badeeda iney qatar ku yihiin guud ahaan biyaha caalamka.

Dowladda Japan, wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee dunada ayaan wax howlgal ka sameynin badaha caalamka, balse xukuumadda Japan ayaa hada ansixisay in maraakiibtooda ka howl gali doonaan xeebaha Soomaaliya.

Biyaha Soomaaliya ayaa waxaa jooga maraakiib badan oo laga leeyahay dalalka caalamka kuwaa oo ku jira la dagaalanka burcad badeeda, kuwaasoo iyaguna dhankooda ku andacoonaya in ay ka hortagayaan xad gudubyada ay geystaan maraakiibta shisheeye.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani