Barakac baahsan oo ka taagan deegaanada ku dhow xuduuda Kenya oo abaaro ba'an ay ka jiraan
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, B/Xaawo
 |
| Barakac iyo Abaaro ayaa ka taagan degmada B/Xaawo |
|
Dhibaatooyin biyo la'aaneyd iyo abaaro kale ayaa ka taagan deegaano hoos yimaada degmada Baardheere ee gobolka Gedo, iyadoo ay barakacayaan qaar badan oo ka mid ah dadkii ku noolaa deegaanadaasi.
Sida ay sheegeen dadka deegaanka, deegaanadan oo ku dhow xuduuda dalka Kenya ayaa sidoo kale waxaa ay saameeyeen dadka ku dhaqan gobolka waqooyi bari dalka Kenya.
Dadka u dhaq dhaqaaqa wax ka qabashada dhibaatooyinkan ayaa waxaa ay codsanayaan gurmad bini'aadanimo deg deg ah, iyagoo baaqooda u jeediyey hey'adaha ka shaqeeya dhanka samafalka.
Dadka ka cararaya abaarahan ayaa badankood waxay u jiheysteen deegaanada ku yaala gobolada Jubbooyinka ee dalka, sida uu soo sheegayo wariyaha idaacadda Simba.
|