:: Welcome --- Simba | News in Somali

Kulan lagu xoojinayay howlaha Gal-Mudug laguna xalinayo kala aragti duwanaan oo ka dhacay halkaasi
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Muqdisho

Kulankaan oo ah kii ugu horreeyay oo nuuci ah todobaadyadaanna la qabto ayna ka soo qayb galeen xubno ka kala socday olayaasha.Baarlamaanka.xukuumadda.golaha dhaqanka iyo Guddoomiyaha gobolka Mudug ayaa waxaa aad loogu lafa guray dhibaatooyinka ka jira deegaannada Gal-Mudug oo ay ka midka yihiin abaaraha iyo colaadaha ,iyadoo aad layskugu dhiiri galiyay in lagu wada shaqeeyo si wada jir ah oo iskaashi leh.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug ahna ku simaha madaxweynaha Gal-Mudug Mudane Maxamed Salaad Ducaale .Wasiirka dib u heshiisiinta iyo xiriirka Dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedyada kale ahna shir guddoonka golaha Wasiirada Iimaan Xasan Jiiroow iyo Xoghayaha Guddiga Abaaraha Axmed Maxamuud Xasan(Axmad Baasto).

Guddoomiyaha Baarlamaanka Gal-Mudug Maxamed Salaad Ducaale ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulankaasi uuna aamin san yahay in dadaal wayn iyo firfircoonaan dheeraad ah lala yimaado si wax loogaga qabto.abaaraha.nabad galyo xumida iyo dhibaatooyinka kale.

Dhinaca kale, xarunta Madaxtooyada Dowlad goboleedka Gal-Mudug ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu qabtay kulan labo geesood ah oo looga hadlayay heerka ay gaarsiisan tahay abaarta saamaysay deegaannada Gal-Mudug .deegaannada ay sida gaarka ah u saamaysay iyo qatarta ka dhalan karta haddii aan degdeg kaalmo loo helin.

Kulankaan oo muddo socday ayaa dhiaca Gal-Mudug waxaa uga qayb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna kusimaha Madaxweynaha Maxamed Salaad Ducaale .Shir guddoonka Golaha wasiirrada Iimaan Xasan Jiiroow iyo qaybo kale oo ka kala tirsan golayaasha Gal-Mudug iyo ING-ooyada deegaanka.halka Danish Refugee Council(DRC) ay uga qayb galeen la taliyaha nabad galyada gobolka amaba dalalka Keenya.soomaaliya iyo Yaman Frans Baruard iyo Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud oo ah khabiir hay.addaasi u qaabilsan dhinacyada ay ka midka yihiin diirad saaridda dhibaatooyinka ay keenaan .rabshadaha iyo khilaafyada iyo dib u xallintoodaba.

Kulankaasi ayaa laga soo jeediyay warbixinno iyo qoraallo muujinayay dhibaatada jirta iyo deegaannada ay sameeyeen iyo warbixinnada arrimahaasi xaqiijinaya ee ka dhashay kormeer iyo sarfay samayn ay guddiga abaaraha Gal-Mudug sameeyeen laga soo bilaabo 2/03/2009 ilaa iyo waqtigaan iyadoo ay halkaasi ka soo jeediyeen hadallo arrimahaasi sii faahfaahinaya guddoomiyaha iyo xoghayaha guddigaasi Abaaraha Gal-Mudug Mursal xaashi Shirwac iyo Axmad Maxamuud Xasan (Axmad Baasto).

Madaxdaasi dhinaca hay.adda DRC oo iyaguna halkaasi ka hadleen ayaa sheegeen in markii ay warbixinnada dhibaatadaan la xariirta ay maqleen ay u deegaannadaan u yimaadeen in doorka ay ku leeyihiin ay qaataan marka horana ay xaaladaha darsaan qiimeeyaanna.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani