:: Welcome --- Simba | News in Somali

Hal qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/Dhexe
Posted on: Khamiis, 12 March 2009 - Simba, Balcad

Hal qof ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen deegaanka Xawaadle ee degmada Balcad ka dib dagaal beeleed halkaasi ka dhacay saacadihii ugu dambeeyey, wariyaha idaacadda Simba ayaa soo sheegay.

Dagaalkan waxaa uu dhex maray maleeshiyo beeleed iska soo horjeeda kuwaasoo isku rasaaseeyey deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/Dhexe.

Saameynta uu reebay dagaalkan ayaa weli laga dareemayaa deegaanka Xawaadley, taasoo cabsi iyo walwal badan ka muujinayaan dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi.

Beelahan dagaalka dhex maray maleeshiyaadkooda ayaa waxaa u dhaxeeyey khilaaf dhexdooda ah, inkastoo mar uu ku guuleystay maamulka Islaamiga ee gobolka xalinta khilaafkaasi.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani