Dibadbax cabasho oo ka dhacay deegaanada ku yaala duleedka magaalada Muqdisho
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Qoysaska barakacayaasha ayaa dibadbax ka dhigay duleedka Muqdisho |
|
Qoysas badan kuwaasoo ka mid ah dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho ayaa maanta isugu soo baxay deegaano dhowr ah oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho, waxayna dhigeen dibadbax cabasho ah.
Qoysaskan ayaa ka cabanaya dhibaatooyin dhanka nolosha oo soo wajahay, taasoo dibadbaxooda ku soo bandhigeen dhibaatooyinka la soo gudboonaaday iyo baaq ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa.
Dibadbaxan ayaa waxaa ka hadlay Sheekh Axmed oo sheegay in uu jiro balan qaadyo hore loogu jeediyey in wax laga qabanayo dhibaatooyinkooda, balse illaa iyo xilligan aan waxba loo qabanin, sida uu hadalka u dhigay.
Dibadbaxan maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa intii uu socday waxaa la arkayey dadweyne tiro badan oo ku dhawaaqayey hal ku dhigyo ka tarjumaya dhibaatooyinka nolol xumo ee soo wajahay.
|