:: Welcome --- Simba | News in Somali

Muqdisho: Askari ka tirsanaa Maxkamadaha oo xukun lagu riday ka dib markii uu dil geystay
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Muqdisho

Maxkamad Islaami xarunteedu tahay xerada Guulwadayaasha ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xukun ku riday eedeysane loo heysto in uu dil geystay; waxaana lagu xukumay in uu bixiyo boqol halaad mudo saddex sanadood gudahood.

Eedeysanaha oo ka tirsan ciidamada Maxkadaha Islaamiga ayaa loo heystaa in uu hore u dilay askari kale oo isaguna tirsan Maxkadaha, sida uu saxafadda u soo bandhigay mas'uul ka tirsan maxkamaddan.

Dubbad Xasan, waxaa kaloo uu sheegay in Xasan Max’ed Qeyre oo ah gacan ku dhiiglaha uu qirtay dambiga, wuxuuna intaasi ku daray in falkaasi uu ahaa mid kabo ku dhacay.

Goobta lagu xukumay eedeysanaha ayaa waxaa goob joog ahaa aabaha marxuumka la dilay, gacan ku dhiiglaha iyo mas'uuliyiin kale uu ka mid ahaa afhayeenka ciidamada Maxkadaha Islaamiga.

Sheekh C/raxiim Ciise Caddow oo ereyo kooban jeediyey ayaa muujiyey sida ugu faraxsan yahay qaabka uu xukunka u dhacay. Sidoo kale xukunka lagu riday gacan kudhiiglaha waxaa soo dhoweeyey aabaha dhalay marxuumka la dilay.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani