:: Welcome --- Simba | News in Somali

Hey'adda Culimada iyo gudoonka baarlamaanka oo isla meel dhigay ansixinta ku dhaqanka shareecada
Posted on: Khamiis, 12 March 2009 - Simba, Muqdisho

Afhayeenka hey'adda Culimada ayaa sheegay in gudoonka baarlamaanka uu aqbalay ansixinta shareecada

Ka dib kulan muhiim ah oo ay ku qaateen xubno ka tirsan hey'adda Culima'udiinka iyo golaha baarlamaanka ayaa waxaa la'isla gartay in baarlamaanka uu ansixiyo ku dhaqanka shareecada Islaamka, sida uu sheegay afhayeenka hey'adda Culima'udiinka.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo u waramayey idaacadda Simba, waxaa kaloo uu tilmaamay kulanka in lagu falan qeeyey sidii hore loogu sii dhaqaajin lahaa arrimaha dib u heshiisiinta iyo sixitaanka ay wadaan Culimada.

Dhanka kale, isagoo ka hadlayey siyaabo kale u tarjumidda go'aanka ay qaateen golaha wasiirada ee xukuumadda KMG, ayaa waxaa uu ku tilmaamay arrin nasiib darro aad u weyn ah, sida uu hadalka u dhigay.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, afhayeenka hey'adda Culima'udiinka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey qaadashada shareecada Islaamka iyo ku dhaqankeedaba, taasoo fursad weyn u ah ummadda Soomaaliyeed si ay uga gudubto dhibaatooyinkii soo maray.

Rajadan uu muujiyey afhayeenka hey'adda culimada ayaa ku soo aadaya xilli todobaadka dambe la filayo in baarlamaanka uu ka doodo ansixinta qaadashada shareecada Islaamka ka dib markii qodobkaasi si mideysan u ansixiyeen dhankooda golaha wasiirada.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani