Baarlamaanka dowladda KMG oo kalfadhigii ugu horeeyey ku yeeshay magaalada Muqdisho
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Kalfadhigii ugu horeeyey ee baarlamaanka ayaa ka dhacay Muqdisho |
|
Shir ay lahaayeen xildhibaanada golaha baarlamaanka dowladda KMG ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho kaasoo ahaa kalfadhigii ugu horeeyey ee baarlamaanka uu yeeshay tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii madaxweynenimo.
Kalfadhigii maanta ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur - Madoobe, waxaana madasha shirka soo xaadiray ku dhowaad saddex boqol ka tirsan mudanayaasha baarlamanka.
Gudoomiyaha baarlamaanka, Sh. Aadan Madoobe ayaa ku tilmaamay kalfadhigii maanta mid war bixino ay ku kala qaadanayeen xildhibaanada baarlamaanka, isagoona dhanka kale sheegay in kulanka lagu go'aamiyey sameynta guddiyada baarlamaanka.
Kalfadhiga baarlamaanka ayaa waxaa uu ka dhacay xarunta cusub ee baarlamaanka, xarunta gaadiidka booliska ee degmada C/casiis, iyadoo hareeraha xarunta lagu arkayey ciidamo ku howlanaa sugidda ammaanka guud.
Guddiyada baarlamaanka ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo maalmo gudahood, iyadoo gudoomiyaha baarlamaanka uu carabka ku dhiftay kalfadhiga xiga in ay ku soo bandhigi doonaan wax yaabaha ay qaban doonaan guddiyada baarlamaanka.
|