Ganacsatada iyo maamulka gobolka Hiiraan oo isla garta qaadista lacagaha canshuuraadka
Posted on: Khamiis, 12 March 2009 - Simba, B/weyn
 |
| Kulan ayaa dhex maray ganacsatada iyo maamulka |
|
Ka dib kulan dhex maray ganacsatada iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ayey isla garteen arrimihii uga falan qoonayeen kulankooda, sida idaacadda Simba u sheegeen ilo ku dhow dhow kulanka.
Ganacsatada gobolka Hiiraan ayaa ogolaaday bixinta lacagaha cansuuraadka taasoo ah mid uu ka faa'ideysan doono maamulka gobolka.
Tan iyo markii maamulka haatan ka arrimiye gobolka Hiiraan uu la wareegay gobolkaasi ayaa waxaa la joojiyey qaadista canshuuraadka, taasina waxay keentay in dhaqaale xumo ay soo wajahday maamulka.
Gaba gabadii kulankan ay yeesheen ganacsatada iyo mamulka gobolka Hiiraan ayaa waxay isla garteen in dib loo bilaabo qaadista canshuuraadka, taasoo ay soo dhoweeyeen ganacsatada.
|