:: Welcome --- Simba | News in Somali

Dagaal xoogan oo ku dhex maray xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada Amisom magaalada Muqdisho
Posted on: Khamiis, 12 March 2009 - Simba, Muqdisho

Dagaal aad u xoogan ayaa saaka ka dhacay hareeraha xaruntii jaamacadda ummadda ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay degan yihiin cutubyo ka tirsan ciidamada Burundi oo qeyb ka ah howlka Amisom.

Sarkaal u hadlay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay iney weerar ku qaadeen fariisinka ciidamada Amisom, waxaana jiray tiro madaafiic oo lagu garaacay xaafadaha ku hareereesan xarunta jaamacadda ummadda iyo weliba goobo ka fogfog taasoo aheyd jawaabo ay ka bixiyeen ciidamada Amisom.

Sarkaalkan u hadlay Al-Shabaab waxaa kaloo uu sheegay dhankooda hal askari in uu geeriyooday mid kalena uu ku dhaawacmay dagaalkii saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, balse lama oga qasaaraha gaaray dhanka kale ee ciidamada Amisom.

Waxaa uu saameyn aad u balaaran ku yeeshay adeegyadii kala duwanaa ee bulshada ku dhaqan hareeraha goobta uu ka soconayey dagaalka, kaasoo aan la ogeyn saameynta kale uu ku yeelan karo dadaalada nabadda iyo dib u heshiisiinta.

| Contact
  Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani