Gudoomiye xigeenka baarlamaanka: "Baahi weyn ayaa loo qabaa ku dhaqanka shareecada Islaamka"
Posted on: Khamiis, 12 March 2009 - Simba, Muqdisho
 |
| Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayaa soo dhoweeyey go'aankii wasiirada |
|
Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka, Cusmaan Cilmi Boqorre oo u waramayey idaacadda Simba ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku wajahan iyo sida uu u arko go'aankii ay ansixiyeen golaha wasiirada kaasoo ahaa in lagu dhaqmo Shareecada Islaamka.
Waxaa uu muujiyey sida uu u soo dhoweynayo go'aankaasi oo uu xusay in uu yahay midka looga gudbi karo dhibaatooyinka ay Ummadda Soomaaliyeed u soo joogeen mudo ku dhow 20 sano amaba ka badan.
"Waa arrin aad u wanaagsan dadkuna ay sugayeen" ayuu yiri Cusmaan Cilmi Boqorre "...mar hadii sidaasi ay tahayna waxaan filayaa in baarlamaanka si buuxda isku raaci doono."
Marka laga hadlayo qodobkan ku aadan ku dhaqanka shareecada Islaamka ayaa waxaa soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada, inkastoo ay jiraan shaki laga muujiyey sida looga dhabeyn karo go'aanka.
|