Odayaasha midnimada Beesha Habargidir oo soo dhoweeyey ku dhaqanka Shareecada Islaamka
Posted on: Arbaco, 11 March 2009 - Simba, Muqdisho
Shir jaraa'id ay maanta ku qabteen gudaha magaalada Muqdisho Odayaasha midnimada Beesha Habargidir ayaa waxay ku taageereen go'aankii dhowaan ka soo baxay golaha wasiirada ee xukuumadda KMG kaasoo ay ku ansixiyeen ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Abuukar Cusmaan Sheekh - Abuukar Ganey, gudoomiyaha golaha midnimad beesha Habargidir ayaa sheegay in beesha Habargidir ay taageersan tahay go'aankaasi, maadaama buu yiri ummadda Soomaaliyeed 100% ay yihiin dad muslim ah.
SIdoo kale, Odayaasha midnimada beesha Habargidir ayaa ugu baaqay shacabka iney xukuumadda ku garab galaan ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Hadalkan ka soo yeeray Odayaasha beesha Habargidir ayaa ku aadaya xilli golaha wasiirada ee xukuumadda KMG si mideysan u ansixiyeen ku dhaqanka shareecada Islaamka, qodobkaasina waxaa la filayaa in la horgeeyo baarlamaanka si dhankiisa u ansixiyo.
|